Mareykanka oo soo masaafuriyay Soomaali lagu hayay xabsiga Guantánamo Bay

Mareykanka oo soo masaafuriyay Soomaali lagu hayay xabsiga Guantánamo Bay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya u masaafurisay siddeed nin oo Soomaali ah, kuwaas oo muddo ku dhow bil lagu hayay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Guantánamo Bay ee dalka Cuba.

Raggaasi ayaa lagu hayay xarunta kaddib markii ay hay’adaha socdaalka Mareykanka ku soo rogeen amarro masaafurin ah. Khamiistii ayay mas’uuliyiinta Mareykanku bilaabeen in Soomaaliya dib loogu celiyo, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay kiisaskooda socdaalka.

Ragga la masaafuriyey waxaa ka mid ahaa Adam Abdullah, 31 jir ah, oo muddo ku noolaa gobolka Minnesota, kana shaqaynayay farsamada baabuurta xilli uu sugayay go’aanka codsigiisa magangelyo.

Sidoo kale Adam ayaa sheegay in wakiillo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo fulinta xuduudaha Maraykanka (ICE) ay xireen 12-kii Diseembar, xilli ay dowladdu bilowday howlgalkii ay ugu magac dartay Operation Metro Surge.

Sida uu sheegay, marka laga reebo laba ganaax oo baabuurta la xiriiray, uusan lahayn wax dambi ah oo laga diiwaangeliyey Minnesota. Wuxuu Maraykanka yimid horraantii 2023, wuxuuna si sharci ah uga shaqaynayay makaanik.

Guantánamo Bay ayaa ah saldhig ciidan oo Mareykanku ku leeyahay Cuba, waxaana muddo dheer loo adeegsanayay xarun lagu hayo maxaabiis iyo dad ay dowladda Mareykanku u aragto inay ku lug leeyihiin arrimo amni ama kiisaska kale ee la xiriira dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.