Maxamed Waare oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, oo bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaankuba ka gaarayaan gulufka maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada HirShabelle, ayaa dhanka kale sheegay inay ka shaqayn doonaan, sidii dhallinyada la marin habaabiyay ay noloshooda u badbaadin lahaayeen.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sheegay in qof kasta oo garaad lihi uu garanayo inaanu xalka ku jirin in la laayo dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaabku, cidda arrintaasi lagala hadlayana aanu ahayn Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab.

“Qof kastoo caqli leh waa ogsoon yahay, dhallinyarada Soomaaliyeed ee yaryar ee la khalday in la wada laayo inuusan xalka ahayn, halkaasna kuma dhammaan doonto. Waxay ku dhammaantaa ayaguba waa dad Soomaaliyeed’e in la soo dhaqanceliyo, gudaha la soo geliyo, dib loo habeeyo, bulshadana lagu soo daro, laakiin meeshaas weli lama gaarin, ninka lagala hadlayana Cali Dheere ma ahan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo Universaltv la hadlay.

Waxa uu sheegay in Cali Dheere uu yahay ninkii ku faanay dadkii faraha badnaa, ee ay Shabaabku ku laayeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay, haddii dadka qaarkii ay dabacsanaan ka dareemaan Cali Dheere aanay ku imaan inuu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, balse ay ku timid jabka maleeshiyadiisa ka qabsaday dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.