Abiy Axmed oo daahfuray suuqii ugu horeeyay ee saamiyada Itoobiya yeelato

Abiy Axmed oo daahfuray suuqii ugu horeeyay ee saamiyada Itoobiya yeelato

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa shalay oo Jimco aheyd si rasmi ah udaah furay suuqii ugu horreeyay ee saamiyada dalka Itoobiya ay yeelato, suuqaan ayaana la filayaa in sare u qaado kobaca dhaqaalaha ee dalkaasi.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaare Abiy ayaa yeeriyay gambaleelka suuqa saamiyada ee dalka Itoobiya, waxa uuna hadal uu munaasabadda ka jeediyay sheegay in yagyeelida suuqan uu yahay yool taariikhi ah oo Itoobiya in muddo ah ku taameesay, isaga oo intaa ku daray in dhaqaalaha Itoobiya gaaray  hannaan wannaagsan.

“Waxan si rasmi ah gambaleelka ugu yeerinay furitaanka suuqa saamiyada – suuqii ugu horeeyay ee saamiyada ee dalkeena. Maalgalinta Itoobiya – koboca dhakhsaha leh ee dhaqaalaha iyo firfircoonida aan u qaadnay dhinaca barwaaqada,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Dowladda Itoobiya ayaa horey u laheyd suuqa saamiyada oo shaqeeya muddo 14-sanno ah, waxaana suuqaasi meesha laga saaray xilligii la afgambiyay boqor Xayle Salaase milatarina dalka la wareegay, waxaana hadda suurto gashay in dib loo yagleelo suuqaasi oo xirmay sannadkii 1974-tii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.