22 qof ayaa Talaadadii ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.”
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Muuse Biixi oo sheegay in doorashada ay lugaha uga dhaganyihiin xisbiyada Mucaaradka
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay doorashada ayaa soo jeediyay in laga fogaado wax weliba oo keeni kara khilaaf, isku dhac iyo kala xulashada xubnaha kuraasta ku fadhiisanaya ee shacabka matalaya.
Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Juun
Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay adkeystaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay u midoobaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo sheegay in dowladdu ay ka go’antahat ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan...
Suudaan oo lagu sheegay halka carruurta ugu badan ay ku barakaceen caalamka
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ayaa sheegtay in Suudaan ay ku nool yihiin carruurta ugu badan oo barakacayaal ah caalamka, isla markaana aysan jirin wax carruur ah oo aadi karta iskuullo.
Muqdisho: Nin dilay hooyadiis iyo abtigiis oo booliska gacanta kusoo dhigeen
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah, oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, kaddib markii nin dhimirka la’ uu bireeyay waalidiintiisa oo ah, Hooyadiis iyo Abtigiis, isla hal-goob.
Malleeshiyo 15 qof ku dishay Ruushka
In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan Axaddii shalay la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.
Dagaal beeleed ka socda duleedka Dhuusamareeb oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo hadda ku dagaalamaya halkaasi.
Masar oo shatiyada kala laabatay 16 Shirkaddood oo ah kuwa Xajka fududeeya
Masar ayaa shatiyadii kala laabatay 16 shirkadood oo la siiyay hawllaha xajka ee sanad kan, waxana loo gudbiyay kiiskooda xafiiska xeer ilaalinta qaranka, iyadoo lagu eedeynayo in ay masuul ka ahaayeen dhimashada xujeyda Masar ku soo gaartay magaalada Maka.
Nin ka tirsan Al-Shabaab oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Galgaduud
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer eegobolka Galgaduud bartamaha dalka, ayaa maanta gacanta ku dhigay nin Ajanabi ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
42 Falastiinyiin ah oo lagu dilay Gaza
Ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israil Sabtidi shalay ku bartilmaameedsadeen degmooyin ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza.