Muqdisho (Raxanreeb online) – Cali Maxamed Aadan, oo ahaa diblomaasi ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa maanta laga ceyriyay magaalada Muqdisho. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Cali Maxamed Aadan ku eedeysay inuu ku kacay falal ka dhan ah qaynuunka diblomaasiyadda, iyo inuu ku xadgudbay madax-bannaanida dhulka Soomaaliya. Ma cadda waxa lagu galay Cali Maxamed...
Author: mowliid A (mowliid A)
Doorashada Somaliland: Guddiga oo ganaaxay agaasimaha madaxtooyada, xayiraad la saaray Kulmiye iyo Wadani.
Hargeysa (Raxanreeb online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xayiraad ku soo rogay ol’olayaasha doorashada ee xisbiyada Kulmiye iyo Wadani xilliyada habeenkii, ka dib markii lagu eedeeyay labada xisbi inay xilli hore billaabeen ol’olaha. Guddiga Anshaxa Doorashooyinka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada xisbi ay galeen xadgudub xeerka doorashooyinka, waxaana labada xisbi laga...
Wasiir katirsan Xukuumadda Isra’iil oo goob fagaare ah ku ooyay kaddib kaddib khasaaraha dagaalka Lubnaan & Gaza.
Tel Aviv (Raxanreeb online) – Wasiirka maaliyadda maamulka Israa’iil, Bezalel Smotrich oo ah xagjir midigta fog ah, ayaa ilmada ceshan waayay inta uu ku jiray hadal uu ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen wasiirrada iyo saraakiisha sare ee Israa’iil iyo xisbigiisa. Sidoo kale, wasiirkan ayaa isaga oo ilmeenaya sheegay in dhimashada askarta iyo dadka Israa’iiliyiinta...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan casho ah usameeyay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo u gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka. Sidoo kake, kulanka waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuxigeennadiisa...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo lagu wado inuu Muqdisho ku yimaado wada-hadallo labada dhinac ah.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta, ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, isagoo hoggaaminaya wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Soomaaliya, kuwaasoo ka jawaabaya casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya. Imaatinka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ilo kala duwan ay inoo xaqiijiyeen, waxaana durba Muqdisho gaaray wafdi...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza oo daah-furay Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay xarun cusub oo loogu talagalay xaaladaha degdegga ah iyo dhaawacyada oo laga hirgeliyay Isbitaalka Madiina, taasoo loogu talagalay in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo fidiyo dadka dhibaateysan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay soo kordhinta Isbitaalka, isagoo ku nuux-nuux saday...
Dowladda Mareykanka oo aad ugu walaacsan ciidamo loo diray dalka Ruuskha si tababar ugu soo qaataan.
New York (Raxanreeb online) – Ciidamo milatari ah oo lagu qiyaasay 10,000 oo askari oo u dhashay Waqooyiga Kuuriya ah ayaa loo diray dalka Ruushka si ay tababar ugu soo qaataan, sidoo kale ciidamada Ruushka gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine sida ay shaacisay wasaadaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon. Sidoo kale, wasaaradda Difaaca...
Hay’adda Sirdoonka Soomaaliland oo raadineysa taageerayaashi xisbiga Kulmiye ee watay Hubka.
Hargeysa (Raxanreeb online) – Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo lagu arkay bistoolado iyo qoryo. Sidoo kale, war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayay lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono qaar kamid ah taageerayaasha Kulmiye oo bistoolad...
Xaalada ammni daro oo ka taagan Muqdisho iyo dilalka qorsheysan oo kusoo badanaaya Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maalmahan u muuqda mid sii xumaanaya, waxaana magaalada ka dhacaya dilal qorsheysan, qaraxyo iyo falal kale oo amniga caasimadda liddi ku ah. Sidoo kale, bilihii lasoo dhaafay ayaa amniga Muqdisho u muiuqday mid soo hagaagayay kaddib markii inta badan magaalada la galiyay kaamirooyinka qarsoon...
Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Baledweyne.
Beledweyne (Raxanreeb online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax geystay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kaasoo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne. Goobta qaraxa uu ka dhacay oo ah Maqaayad inta badan ay fariistaan dad u badan dhalinyaro, gaar ahaan kuwa ciyaara kubada cagta...









