Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha soomaaliya ayaa muddo kororsi sharci daro ah siiyay madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kaddib markii usoo idlaaday shirkii qabyada ahaa ee golaha wadatashiga qaran. Madaxweyne Xasan ayaa seddexdaas maamul kula heshiiyay in doorashada deegaanka ay qabtaan bisha june ee sanadka 2025, halka doorashada hoggaanka golaha wakiilada iyo hoggaanka...
Author: mowliid A (mowliid A)
Jubbaland oo War-saxaafadeed kasoo saartay go’aankii shirkii golaha wadatashiga Qaranka.
Kismaayo (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa looga hor-yimid war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo muddo kordhin hal sanno ah loogu sameeyay madaxda dowlad goboleedyada. Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland warka uu soo saaray ayuu ku sheegay in heshiiskii horey u gaareen golaha Wadatashiga Qaran...
Wasiirka Warfaafinta Puntland Ceydiid Dirir oo ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Xasan Sheekh.
Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in diyaar u yihiin in wadahadal la galaan una tagayaan maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee laga soo saaray go’aanno khuseeya doorashada Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Waxa uu sheegay in madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay horey...
Agaasimaha waaxda CIA Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray + Sababta socdaalkiisa.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho isagoo ka soo duulay magaalada Nairobi. Sidoo kale, William J.Burns ayaa kulan gaar gaar la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasimaha heyadda nabad sugida Somalia ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe. Lama faahfaahin waxyaabaha ay ka wada hadleen...
War murtiyeed: Go’aan doorasho oo kasoo baxay GWQ oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo muddo bil si aan toos ahayn uga socday Muqdisho, iyadoo ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa caawa la soo gabagabeeyay. War myurtiyeed ka kooban labo bog ayaa laga soo saaray, kaasoo lagu sheegay in doorasho qof iyo cod la qaban doono, iyo...
Himilo Qaran: Xasan Sheekh ayaa qaadi doona mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha xad-gudubka Dastuurka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa caawa sheegay in MadaxweyneXasan Sheikh Maxamuud qaadi doono masuuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha xad-gudubka lagu sameynayo Dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedyadda. War saxaafadeed kasoo baxay Himilo Qaran ayaa soo baxay waxyar ka dib markii qoraal war murtiyeed uu kasoo baxay Golaha Wadatashiga oo ay...
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Kulanka waxaa marti ku ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nabay ee Jamhuuriyadda Jabuuti...
Ciidamada NISA oo howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho waxa ay ku qabteen Mooto Bajaaj.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayay Mootooyinka labada lugood leh ee loo yaqaano Fekoon waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa mid lagu xoojinayay amniga guud ayaa ka dhacay degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam, iyo Dayniile,...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeynaya kala-guurka howlgalka Soomaaliya.
New York (Raxanreeb online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu Arbacada cod u qaado qaraar qabyo ah oo billaabaya in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) loogu wareejiyo kooxda dalka ee Qaramada Midoobay (UNCT) oo laba sano ah laga billaabo 1-da Nofembar. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in xilalka loo wareejiyo...
Tiro askar Isra’iil oo lagu dilay gudaha magaalada Jabalia.
Jabalia (Raxanreeb online) – Ciidamada Israa’iil ayaa khasaarooyin hor leh kala kulmaya duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana kooxda Xamaas oo jilbaha u dhigtay ciidamada Israa’iil hadda gaarsiiyeen khasaarooyin xanuujiyay askarta Yahuuda. Ciidamada milatariga Israel ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in afar askari oo katirsanaa ciidankooda uuna ku jiro...









