Axmed Madoobe “Guddiga doorashooyinka Qaran waa kuwa laga soo xulay Suuqa Bakaaraha”

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay waxa sababay khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee ay isku qabteen dowlada dhexe, ay tahay dhismaha guddiga doorashooyinka heer Qaran iyo qaabka loo dhisayo.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe, in Jubbaland ay diiday qorshe ay dowladda dhexe damacsaneyd, kaasi oo ahaa in guddigyada doorashooyinka laga dhigo hal guddi oo maamula doorashooyinka heer qaranka iyo  kuwa dowlad goboleedyada, balse ay kasoo horjeesteen ka Jubbaland ahaan.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in wax kalsooni ah uusan ku qabin guddiga doorashooyinka heer qaran ee dowladda Federaalka ay magacawday, waxa uu carabka ku dhuftay in uu aamisan yahay in guddigan ay yihiin kuwa laga soo xulay suuqa Bakaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

“Ayaga xita waxa ay aamisan yihiin in aysan si sharci ah ku imaanin, waxaana ogahay in aysan wadin wax aysan Somali laheyn. Waa wax shirkad lee dahay mana socon doonaan”. Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa siyaasadda ay aaminsan  yihiin in talada dalka ay ku sii joogi karan sharciyad la,aan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.