Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Muqdisho Kaddib muddo labo Isbuuc ah madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa dib ugu labtay magaalada Kismaayo, kaddib markii Shalay ay fashilmeen wadahadaladii u dhaxeeyay Mucaaradka iyo Dowladda federaalka.

Xubno ka tirsan Madaxtooyadda Jubaland ayaa inoo xaqiijiyey in Axmed Madoobe iyo Wafdigiisiiba ay dib ugu laabteen Kismaayo, iyagoon wax natiijo ah kala laaban wadahadaladii ay u yimaadeen.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa inta uu ku sugnaa Muqdisho, waxa uu kulamo kala duwan la qaatay xildhibaano iyo siyaasiyiin kala duwan, iyada oo inta badan kulamadaasi ay ahayeen kuwa ku saabsan xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya.

Geesta kale warara soo baxaya, ayaa sheegay in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni uu asna saacadaha soo socda dib ugu laabto magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kaddib muddo labo todobaad ah uu Muqdisho kaga qeyb galayay kulamo kala duwan oo u dhaxeeyay dowladda iyo siyaasiyiin kala duwan.

Weli madaxtooyada Soomaaliya, kama aysan hadlin war-saxaafadeedka kasoo baxay golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.