Muqdisho (Raxanreeb ) –Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta beri oo Isniin ah yeelanaya kulan ay uga hadlayaan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah oo buuq badan uu ka jiro.
Labada Aqal ee Barlamaanka ayaa loo madlan yahay in arrintan dood adag ay ka yeesheen waxaana jira xildhibaano aad u diidan wax ka bedelka Dastuurka oo ay riixayso Villa Soomaaliya.
Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa diyaariyay soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka oo ka kooban illaa afar cutub oo nuqulo ka mid ah loo gudbiyay guddoonka Golaha shacabka.
Guddiga ayaa soo bandhigay cutubyada wax ka bedelka Dastuurka ee berri labada Aqal ka doodi doonaan afarta cutub ee uu ka kooban yahay wax ka bedeka Dastuurka.
Guddiga ayaa soo bandhigay cutubyada wax ka bedelka Dastuurka ee berri labada Aqal ka doodi doonaan afarta cutub ee uu ka kooban yahay wax ka bedeka Dastuurka.
Barlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in fadhi ay ka yeesheen arrimaha wax ka bedelka habraaca Dastuurka ay u mareen si aan sharciga waafaqsanayn taas oo keentay shaki badan oo laga qabo hanaanka shaqo ee Guddoonka Golaha. Puntland waxa ay ka mid tahay maamulada sida aad ah u diidan wax ka bedelka Dastuurka iyo hab raaca loo marayo labaduba
Leave a Reply