Cabdiweli Gaas oo eedeeyn kulul u jeediyay maamul goboleedyada

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa markii ugu horeeysay si kulul u dhaliilay hannaanka ay ku shaqeyaan dowlad goboleedyada, waxa uuna tilmaamay in madaxda joogta ay ka leex-deen ujeedadii nidaamka federaalka.

Cabdiweli Gaas, oo haatan ah Ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan, ayaa carabka ku dhuftay in awoodi caasimada loo qeybiyay gobollada, balse ay hadda dib ugu aruurtay magaalooyin gaar ah sida Kismaayo iyo Garoowe, iyada aysan laga fulin degmooyinka kale ee gobollada.

Sidoo kale Gaas, ayaa tilmaamay in magaalooyinka sida Garoowe, ay noqdeen meel awooda ku aruurtay hal qof, isla markaana dadka ku nool gobollada iyo degmooyinka aysan helin.

Cabdiweli Gaas, ayaa walaac ka muujiyay xadidaaada socdaalka siyaasiyiinta, isaga oo tilmaamay in siyaasiyiinta qaar aysan six or u tagi Karin deegaanadooda, arrintaas ay ka hor imaaneyso xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta u lee yihiin.

Sikastaba, hadalka kazoo yeeray madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa imanaya in xiisada siyaasadeed ee dalka ay cakiran tahay, isla markaana maamulada Puntland iyo Jubbaland ay xiriirka wadashaqeynta u jareen dowladda federaaka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.