Cabsida laga qabo ciyaal weero oo markale kasoo cusboonaatay mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga nastay dhibaatada ciyaalka weerada, waxaana degmooyinka caasimadda laga dareemay xasillooni iyo amni markii ay meesha ka baxeen ciyaal weerarada.

Sidoo kale, Xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir waxaa hadda mar kale kasoo ifbaxaya ciyaalkii weerarada, waxaana wel wel iyo cabsi hor leh lasoo daristay dadka degan xaafadaha mar kale lagu arkay ciyaalka weerada dhibka ah ee dadka tuuryeeya.

Xaafado katirsan degmada Kaaraan waxaa mar kale lagu arkayaa ciyaalka weerarada loo yaqaan, kuwaa oo xaafadaha dhaxdooda isku tuuryeenaya sidoo kale isku raadsanaya tooreeyo iyo baangado.

Dhanka kale, ciyaal weeraro koox koox u socota oo wata dhagaxaan iyo mindiyo ayaa lagu arkay xaafado katirsan degmada Kaaraan, ciyaalkan ayaana la sheegay in guryaha dhagxaan ku tuurayaan, sidoo kale dhubaateenayaan dadka waddooyinka uga hor yimaada.

Shacabka degan xaafadaha ciyaalka weerarada kasoo cusboonaadeen ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka in tallaabo deg deg ah ka qaadaan kana hortagaan ciyaalkan, inta aysan ku faafin xaafado hor leh ayna sii kordhin dhibaatada ay geestaan.

Sikastaba, Ciyaalka weerarada oo dhibaato badan ku hayay shacabka magaalada Muqdisho ayaa mar qura la waayay, kaddib markii ay dowladda xir xirtay qaar badan oo kamid ahaa ciyaalkaasi, halka kooxda Al-shabaab iyana bilaabeen in ciyaalkaasi ay beegsadaan ayna dilaan qaar kamid ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.