Cali Cosoble oo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Daahir Jeesow

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu heesto labo xasaanad, halka xildhibaannada kale ay heestaan hal xasaannad kaliya.

Sidoo kale, Cali Cosoble, ayaa ka falcelliyay hadal uu sheegay Xildhibaan Jeesow oo ah in aan la weerarin shacabka degan Galbeedka gobolka Hiiraan oo ay heestaan Al Shabaab isagoona xilligaasi Jeesow ka falcelinayay hadal uu jeediyay Cali Jeyte guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle in Daahir Amiin Jeesow uu heesto xasaanad dheeri ah oo dhinaca Al Shabaab ula jeeday, waxa uuna ku baaqay in xildhibaannada kalana la siiyo xasaannad dheeraad ah ama laga qaado Daahir Jeesow xasaannada kale uu heesto.

“Waxaan dhageystay Xildhibaan Dahir Amiin Jesaw oo dhahaya galbedka Hiiraan waxaa ku nool oo la heystetayaal ku ah adeeradey, abtiyashey iyo eedooyinkey, hadii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin”.

“Waxaan ku talinayaa in xildhibaanada Soomaaliya la siiyo xasaanad la mid ah midda uu leeyahay Xil Dahir Amiin Jeesaw ama asaga laga qaado xasaanadda dheeriga ah ee inuu heysto uu warbaahinta ka qirayo.”

“Kuye yaan loo dhawaanin Shababka jooga galbeedka Hiiraan. Xil Dahirow, seedi ama naga cesho Shabaabkaaga oo yeysan webiga ka soo talaabin ama waa ku qasbannahay inaan ugu tagno galbeedka Hiiraan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.