Category: Idmanayaal

Home » Idmanayaal » Page 4
SOOMAALIYA : Xasaradaha siyaasadda & kaalinta maamul Goboleedyada.
Post

SOOMAALIYA : Xasaradaha siyaasadda & kaalinta maamul Goboleedyada.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Siyaasadda Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay wixii ka danbeeyay markii Ra’iisulwasaaraha Itoobiya heshiis muran badan dhaliyay uu la galay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Heshiiskan ayaa wadamada gobolka ku keenay xasaradda xaga siyaasadda ah waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada salkeedu uu yahay badda ay Itoobiya doonayso in...

FAALLO laga bixiyay ficilkii Abiy & Ruto ‘’Ku dhac iyo Hab’’.
Post

FAALLO laga bixiyay ficilkii Abiy & Ruto ‘’Ku dhac iyo Hab’’.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Dhalinyarada ayaa marka ay wax isla fahmaan isticmaalo Salaan dhalinyaro oo loo yaqaan “ku dhac” taa oo Gacmaha la is taabsiiyo, waa Salaan xeeladeed is faham, badanaa khuseesyo Qof saddaxaad oo Goobta ka maqan. Hadda Madaxweynaha Kenya iyo Abi Axmed ayaa isku salaamay “Ku dhac”. Waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha Kenya...

Yuusuf  Garaad ‘’Luul  & Dahable waa inay helaan cadaalad lagana sugaa Garsoorka ‘’.
Post

Yuusuf  Garaad ‘’Luul  & Dahable waa inay helaan cadaalad lagana sugaa Garsoorka ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Laba kiis oo murugo badan oo labaduba dhowaan ka dhacay Xamar, qabsadayna baraha bulshada, ayaa dareenkeyga taabtay, in badan aan ka fekeray, iguna dhaliyay in aan qoro sadarradaan. Waa kiiska Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabiraxmaan Dahable iyo kiiska Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed. Labada kiis mid baaritaan ayaa socda oo booliiska iyo xeer ilaalinta...

Fadeexo dul hoganaysa Xafiiska xeer ilaaliyaha Korarka dilalka iyaga sabab u ah
Post

Fadeexo dul hoganaysa Xafiiska xeer ilaaliyaha Korarka dilalka iyaga sabab u ah

Muqdisho (Raxanreeb ) – Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah ee ay geysanaayaan dadka rayidka ah, dadka rayidka ah waxan ula jeedaa qof kasto oo aan ka tirsaneyn ciidamada noocyadadooda kala duwan. Waxa aan filayaa in aad is weydiisay sababta ka danbeyso arintaas, sida aan aniguba isku weydiiyay. Marka aan...

Sad-bursi iyo qanac la’aan ma u dhaqan baa!
Post

Sad-bursi iyo qanac la’aan ma u dhaqan baa!

Doorashada Puntland ee sanadkan waa mid ka xiiso badan, ka rajo badan, kana xamaasad badan doorashooyinkii hore ee Puntland soo marey. Waa marka horee- dhawaan waxa uu maamulka SSC iyo isimadooda ku dhawaaqeen goaan buuq badan dhaliyay, balse ahaa goaan la filanayay. Waxey sheegeen in ay isaga baxeen maamulka Puntland, islamarkaana aysan ka qeyb geli...

WARBIXIN| Kala-  fogaanshaha ciidanka DFS  & shacabka  Muqdisho.
Post

WARBIXIN| Kala-  fogaanshaha ciidanka DFS  & shacabka  Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin  ka mid   ah magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgal ay wadaan ciidanka amniga ee Dowladda Soomaaliya kuwaas oo maalmahan noqday kuwo joogta ah . Hase ahaatee waxaa  muuqanaya in  askarta   taagan goobaha ay ka socdaan howlgalada si gaar ah ay u beegsanayaan haweenka xijaaban iyo raga xiran  cimaadaha iyo qamiisyada. Dumar ...

Colaadihii Hore Cashar Laguma Qaadan Miyaa?
Post

Colaadihii Hore Cashar Laguma Qaadan Miyaa?

Nairobi (Raxanreeb ) Nasiib darro waxaa ah in maanta oo dunida ay amuuro kale ka socdaan, ayna jiraan khataro kale oo saameyn kara nolosha aadanaha oo dhan, Soomaaliyana ay ku jirto dagaal howl ugu filan, dagaalka Khawaarijta, ay Colaado sokeeye dalka ka aloosmaan. Sida fahamkeygu ii sheegayo, colaadaha iyo dilalka ka dhex dhacaya dadka walaalaha...

Abiy Axmed Colaad buu ku baaqay, Soomaaliduna Nabad baryi meyso!…
Post

Abiy Axmed Colaad buu ku baaqay, Soomaaliduna Nabad baryi meyso!…

Somaaliya Mar Kale DHiig waa Loogu Wan-Qali! Abiy, Seylac ma meel laga dhintay baa markaad qabsanayso?! Waa badannahay Soomaali laguma xuuxiyo! dalkana dadkii Lahaa waa joogaan, dadka Soomaaliyeedna nabad baryi maayaan! Abiy Axmed ama dowladda Itoobiya damaceeda foosha xun ma aha mid iyada ka yimid, Soomaaliduna ma ha dad ay Itoobiya u gooddiso ama u caga jugleyso,...

MD Deni laba daran mid dooro: Dhabbaha Mustaqbalka Puntland
Post

MD Deni laba daran mid dooro: Dhabbaha Mustaqbalka Puntland

Georgia (Raxanreeb ) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taariikhdu markey ahayd 13-October-2023 la hadlay shacabka Puntland labo maalmood kadib markii uu ka soo laabtay safar uu dalka kaga maqnaa in ka badan 55 maalmood. Madaxweyne Deni ayaa ujeedka uu khudbadaasi ka lahaa waxa ay ahayd in uu adkeeyo taageerada xertiisa oo shaki ka qabay...