SOOMAALIYA : Xasaradaha siyaasadda & kaalinta maamul Goboleedyada.

SOOMAALIYA : Xasaradaha siyaasadda & kaalinta maamul Goboleedyada.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Siyaasadda Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay wixii ka danbeeyay markii Ra’iisulwasaaraha Itoobiya heshiis muran badan dhaliyay uu la galay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskan ayaa wadamada gobolka ku keenay xasaradda xaga siyaasadda ah waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada salkeedu uu yahay badda ay Itoobiya doonayso in ay ka hesho Soomaaliya.

Waxaa kale oo bar bar socda in Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland khilaafka ka dhaxeeya uu ka sii daray oo gaaray meel aad ugu xun halkii uu joogay shan sanno ka hor .

Hargaysa iyo Muqdisho ayaa is dhaafsaday erayo kul kul oo xitaa gaartay in la iskula tago hawada taas oo ugu danbeyntii keentay in Somaliland ay sheegtay in Soomaaliya ay cuna qabataynayso dadka Hargaysa.

Dhacdooyin waa wayn oo raadad reebaya ayaa la diwaan galiyay bilowga sanadkan oo ay ugu wayn tahay dilal loogu gaystay magaalada Muqdisho xubno ka soo jeeda Somaliland oo eedooda loo saariyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhamaan arrimahan oo ay dhacayaan waxaa ka aamusan oo isha uun ka daawanaya dhamaan maamul goboleedyada dalka kuwaas oo aan , marnaba ka hadal xiisadahan ku soo kordhay dalka gaar ahaan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Arimahan ayaa loo fasirayaa in aan isku wanaagsanayn qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud oo markiiba la kowsatay xasaradaha xaga siyaasadda ah.

Waxa kaloo la eeyahay waxa arintan sabab u ah in maamul goboleedyada qaar amnigooda ay sugayaan ciidanka Itoobiya oo ku jooga magaca ATMIS ee midowga Afrika .

Dowladdu waxay sheegtay in ay ka fiirsanayso in dalka ay ka saarayso waqtigan ciidanka Itoobiya ee howlgalka ATMIS ee midowga Afrika.

Si kastaba waxaa muuqanaya in madaxda maamul goboleedyada isha uun ay ka daawanayaan oo aan wax kaalin ah ku lahayn khilaafka iyo xasaradaha ka jira dalka oo ay wajahayso dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.