Nairobi ( Raxanreeb Online) Saraakiisha amniga dalka kenya ayaa xiray qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada oo ku sugnaa bannaanka dhismaha Baarlamaanka intii lagu jiray bannaanbaxyada lagu xusayo dhalinyaradoo Gen Z ee ku dhintay mudaharaadyadii looga soo horjeeday Hindise-sharciyeedka Maaliyadda 2024-kii.
Sidoo kale, ciidamada amniga ayaa lagu arkay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Nairobi iyagoo kala eryaya dibadbaxayaal isugu soo baxay xuska xubnaha Gen Z ee naftooda ku waayay mudaharaadyadii dalka gilgilay laba sano ka hor.
Geesta kale waxaa maanta inta badan xiran goobaha ganacsiga ee suuqa Isli ee magaalada Nairobi,kaddib markii Soomaalida ay soo wajahday cabsi ay ka qabaan in waxyeelo ay kasoo gaarto banaanbaxa rabshadaha wata ee ka socda qeybo kamid ah magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyin badan, waxaana sidoo kale la geeyey goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amniga.

Leave a Reply