Muqdisho (Raxanreeb Online): Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa la wareegay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha iyo hareeraha xabsiga.
Ciidamada ayaa la sheegay inay taagan yihiin dhammaan darbiyada Xabsiga Dhexe iyo jidadka laga galo, iyagoo ku hubeysan qoryo.
Sidoo kale, ciidamadii loo xilsaaray waardiyaha Xabsiga Dhexe ayaa la sheegay inay qoryihii dhigeen, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin sababta ay tallaabadaas u qaadeen.
Xaaladda Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa haatan ah mid si dhow loo hadal hayo, waxaana la sugayaa tallaabada ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta dowladda.
Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply