Dab khasaare gaystay oo ka kacay kaalin- shidaal deegaanka Bacaadwayn ee Mudug.

Gaalkacyo ( Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadwayn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka kacay  dab xoogan  oo khasaare gaystay

Dabka ayaa lagu soo waramayaa inuu  ka kacey kaalin shidaan oo markaas lagu shubayey Shidaal.

Wararka aan ka heleyn ayaa sheegaya in khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyeed jiraan oo sii xoogaysanaya.

Wali wax gurmad ah oo ka so socda Magaalada Gaalkacayo oo u dhaw ma aysan soo gaarin sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Maamulka Mudug ee Galmudug wax faahfaahin ah kama soo bixin oo ku aadan dabka ka kacay maanta Kaalinka Shidaalka ee deegaanka Bacaadwayn.

Wixii ku soo kordha kala soco.
www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.