Jiicboor ( Raxanreeb Online) Faaf faahino kala duwan ayaa kasoo baxeysa dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka socda deegaanada Jiicboor iyo Saax quraan oo ku yaalla galbeedka gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa la sheegaya in uu yahay mid xooggan, isla markaana labada dhinac ay rasaas culus isku adeegsanayaan, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu gaarsiisan yahay.
Ilo wareedyo kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil, oo muddooyinkii dambe so jiitameysay.
Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo laiskuna imaado miiska wadahadalka si loo xaliyo dhibaatada jirta.
Weli maamulka Galmudug, kama uusan hadlin dagaalkan maanta ka socda deegaanada Jiicboor iy Saax quraan ee galbeedka gobolka Mudug.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo dagaal beeleed uu ka dhaco deegaanada gobollada Dhexe, iyada oo ay in badan dheceyn kulamo lagu xalinayo Colaadaha ku soo noqnoqday gobolka.
Leave a Reply