Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgooyska Tarbuunka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan kaasi ka dhacay agagaarka Isgooyska Tarbuunka ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii ciidanka dowladda, ay amreen in laga guuro dhulka garoonka kubada cagta hoorseed ee xoogga Soomaaliyeed.

 Goob jogaayal ayaa sheegay  in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aysan ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale dagaalka ayaa sameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgooyska Tarbuunka ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.