Hiiraan (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab, uu ka dhacay deegaanka Terdo ee gobolkaasi.
Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii ciidanka huwanta ah ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen xubno katirsan Al-shabaab oo isku uruursanayay deegaano katirsan gobolkaasi.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in howlgalka uu sii Socon doono inta ay dib uga saarayaan kooxda Shabaab, deegaanadii ay dhowaan la wareegeen.
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macawiisleey, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey xoojiyay howlgallada ka dhan Al-shabaab, si ay gacantooda ugu soo celiyaan deegaanadii iyo degmooyinkii dhowaan gacantooda ka baxay.

Leave a Reply