Dagaalka ka socda dalka Sudan oo galay maalintii afraad

Khartoum (Raxanreeb) — Dhawaaqa rasaasta ayaa weli laga maqlayaa magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, inkastoo ay sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo kooxaha kasoo horjeeda, taasoo ah inay dagaalka joojiyaan.

Hala Y Alkarib oo u ololaysa cadaaladda iyo dimuquraadiyadda ee Khartoum, ayaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC-da in ay wali maqlayso dhawaqa madaafiicda aadka u culus ee hareeraheeda ka dhacaysa.

“Ma jirto meel la aado, sababtoo ah waxaa ka khatarsan in la baxo, mana jiraan waddooyin ammaan ah,” ayay tiri, iyadoo raacisay in xaaladda Khartoum ay “aad u sii xumaanayso”.

Ciidamada Suudaan iyo koox dabley ah oo lagu magacaabo (RSF), ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku jiraan dagaal xooggan, oo ay ku doonayaan inay ku maamulaan xarumaha militariga ee caasimadda.

TV-ga Al-Carabiya, ayaa soo sheegay dhawaqa “qaraxyo iyo rasaas culus” oo ka dhacaya agagaarka taliska guud Talaadadii.

Dagaal ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum, iyo meelo kale oo ka tirsan Omdurman iyo Khartoum dhankeeda Bahri.

Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan taliska ciidanka xoogga dalka, iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha ee weyn.

Waxaa jiray baaqyo dhowr ah oo caalami ah oo ku aaddan joojinta dagaalka – kaasoo hadda galay maalintiisii ​​afraad oo sababay dhimashada ku dhawaad​​200 oo qof.