Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi.
Ra’iiusl Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadaleen xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Danjire Vacchi ayaa sheegay in dowladdiisa ay garab taagan tahay Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda argagixasada ee Alshabaab.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga kordhinta taageerada xasillinta goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada iyo gacan ka geysashada gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaartu saameysay.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Taliyaaniga ayaa leh xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan leh , kaas oo soo jiray muddo dheer waxaana muuqanaysa in Dowladda Taliyaaniga ay kordhinayso adkaynta xiriirka labada wadan.
Leave a Reply