Laba Gaari oo ah kuwa xamuulka qaada ayna waardiyeynayaan gaadiid dagaal ayaa soo gaarey Deegaanka Caleen oo katirsan gobalka Qoraxeey ee Ismaamulka Soomaali Galbeed, Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaasi.
Deegaankan ayaa 70KM u jirta xaduuda ku aadan gobalka Galguduud, isagoo masaafo siman u jira Degmooyinka Shiilaabo iyo Caabudwaaq.
Gaadiidkan oo wararku sheegayaan in in dhinaca Galguduud iyo Hiiraan xadkooda kuwajahan yihiin, ayaa loo badinayaa in ay sidaan agab ciidan oo la socday gawaaridii hore loogu boobay Caabudwaaq.
Leave a Reply