Wararka aan ka heleyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso oo la dhigay Maqaayad kutaalla Xaafada Xaawa-Taako laanta Shaah Macaan, waxaana inta la xaaiijiyay qaraxa ku geeriyooday laba Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Maqaayadda qaraxa ka dhacay ay aheyd mid dad badan ay joogaan, sidoo kalena ay aheyd mid mararka qaar ay fariistaan Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa laamaha Amniga Magaalada Beledweyne.
Ciidamo katirsan kuwa laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo xiray waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyada oo ay socdaan gurmadk loo fidinayo dadka waxyeelada ay gaartay.
Leave a Reply