DEGDEG:Banaanbax xooggan oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Banaanbaxayaal careysan oo xirtay isgoyska Xoosha ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya Darawallada gaadiidka waaweyn oo cabasho ka ah isbaaro ay sheegeen in ciidamada Dowladda ay halkaas dhigeen.

Xaaladda isgoyska ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana banaanbaxayaasha ay ku gubayaan taayaro. Iyaga oo dalbanaya in wax laga qabto cabashadooda.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha, ayaa sheegay in haddii wax laga qaban waayo cabashadooda ay wadada xirnaan doonto.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.