DFS oo doonaysa in gulufka socda ay kala kaashato maamulada

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa markan in ay boorka ka jafto maamulada si ay u jabiso kooxda Al- Shabaab oo markaan dagaalo xoogan ay kaga furan yihiin gobolada dalka.

Shirar kala duwan oo looga hadlayo arinta Dowladda ee ka gacan siinta dagaalka ka dhan ah Al- Shabaab ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada.

Shir ku saabsan sidii looga adkaan lahaa Kooxda Al- Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku qabtay Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel) , waxaana labada dhinac ay isla soo qaadeen sidii maamulada kale ay qayb uga noqon lahayeen dagaalka.

Meelo badan oo maamulada ah ayaa waxaa ka socda dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab oo loogu – guulaystay kooxda meelihii ay gacanta ku hayeen oo hadda ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.

degaannada galmudug waxaa ka ka soconay guluf ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay bilaabeen dadka degaanka oo hubka qaatay kadib markii ay ka caroodeen dhibaatooyin ay kala kulmeen Al-Shabaab iyadoo Dowladuna xooga ay saarayso sidii maamulkan ay ugula shaqayn lahayn arintan.

Dowladda oo hadda hortaala fursadii ay kula dagaalami lahayd Al- Shabaab ayaa la is waydiinayaa sidii ay uga faa’idaysan lahayn , maadama dagaalka Al- Shabaab ay ku soo biireen dadka shacab ah oo ay hubka qaateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.