Saraakiisha Dowladda ” 15 ka tirsan Al-Shabaab ayaan ku dilnay Hiiraan ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in 15 askari oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ku dilay degaanka Sinadhaqo ee Gobalka Galguduud.

Hadalkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo lagu faahfaahiyay dagaalka ciidanka Dowladda ay kula jiraan Al- Shabaab.

“Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Ciidanka dowladda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay kawadaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana howlgallada qeyb ka ah ciidanka deegaanka oo iskood isku abaabulay.

Inta ay socdeen howlgalada ciidanka ayay saraakiishu sheegeen in ay ku guuleysteeb deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud in ay kala wareegaan kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.