Madaale ”Qofkii Al- Shabaab u cadaalad Doonta kuma soo noqonayo Muqdisho”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray amaro culculus oo uu dul dhigayo dadka ku nool magaalada Muqdisho oo la dhibaatoonaya cadaaalad daro ay tabanayaan.

Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ku amray dadka caasimada in aan u cadaalad doonan karin Kooxda – Al Shabaab isla markaana qofkii lagu ogaado talaabo laga qaadi doono qof kasta uu yahay.

” Ganacsigii lagu xira amar ka soo baxay Kooxda Al- Shabaab hala ogaado dib looma furi doono qofkii lahaana waa lagu ciqaabi doonaa ” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiyaha gobolka – Banaadir dhibaatooyinka kale ee ka jira caasimadda sida waxyaabaha maanka dooriya waxa uu sheegay in arintaas ay tahay mid aan la ogolaan doonin.

“Magaalada Muqdisho anaga fasahaad uma ogolin waxaan u sheegaya dadka goobahooda ganacsi ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo Calaqa in goobtan ku aragno aan burburin doono ” ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa canshuuro kala duwan ka qaado ganacsatada ku sugan Muqdisho iyo Soomaaliya, waxayna dil ugu hanjabtaa cid kasta oo diida canshuurta iyo awaamiirta kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.