Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaPuntland waxaa ka dhacay shir deg deg ah oo ay yeesheen isimada dhaqanka maamul goboleedka Puntland.
Shirkan waxaa lagu go’aamiyay in doorarashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee SSC-Khaatumo.
SSC-Khaatumo ayaa odayaasheeda waxay horey u sheegeen inay go’aan ku gaareen in aanay soo xulin xildhibaanada Puntland, ayaga oo sheegay in hadda kadib ay yihiin maamul madax-banaan, oo aanay ka tirsaneyn Puntland.
Isimada ayaa sheegay in aanay waxba iska beddelin xilliga doorashada, waxayna dalbadeedn inay adkeynayaan go’aankii Isimada Puntland.
Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale magacaabay guddi isimo ah oo ka kooban 5 shan xubnood kuwaas oo korjoogteeya guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland.
Si kastaba arintan ayaa imaanaysa , iyadoo dhawaan maamulka Khaatumo ay sheegeen in aysan jiri doonin xildhibaano laga soo xulaya sanadkan gobolada Sool iyo Sanaag.
Leave a Reply