DENI ‘’Suurtagal  ma ah in doorashada lagu galo 49 xildhibaan‘’- DIIDMO.

DENI ‘’Suurtagal  ma ah in doorashada lagu galo 49 xildhibaan‘’- DIIDMO.

Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha  maamulka Puntland ee waqtiga uu ka dhamanayo , Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday go’aan ka soo baxay shir isimada maamulka Puntland ay ku yeesheen magaalada Garoowe oo ay ka go’an ka soo saareen.

Deni  waxa uu sheegay in go’aanka isimada soo saareen uu  yahay  mid  xilligan suurtagal uusan  ahayn  oo laga haboon yahay sida uu yiri Madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI.

Saciid  Deni  oo kulan la qaatay Guddiga xalinta khilaafka doorashada ayaa sheegay in uusan dhag jalaq u sii doonin go’aanka isimada Puntland ee ku saabsan in doorashada lagu galayo 49 mudane.

Madaxwayne Siciid Deni ayaa  lagu soo waramayaa  in guddiga u sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn doono shakhsiyaadka wata magaca reer SSC-khaatumo.

Guud ahaan liiska 66-da xubnood oo ay ku jiraan shakhdiyaadka reer SSC ee suuqa laga qortay ayaa dhammaystirmay saaka waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa dhankiisa taageeray go’aanka isimada Puntland soo saareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.