DILAL : ‘’Ma hadhooyinka‘’ muuqda ee ka jira magaalada Muqdisho & DFS talaabo qaadi la’

DILAL : ‘’Ma hadhooyinka‘’ muuqda ee ka jira magaalada Muqdisho & DFS talaabo qaadi la’

Muqdisho (Raxanreeb ) Dilalka ka dhacaya – magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo xargaha goystay waxaana maalin kasta dadka Muqdisho ay maqlaan askarta Dowladda oo dil ka gaystay Muqdisho & iyo Al- Shabaab oo dil gaystay.

Maqalkan oo aan ahayn mid aan u roonayn shacabka ayaa si joogta ah loogu maqli karaa guri kasta oo magaalada Muqdisho oo aasanaya maydka qof ehelkooda ah oo lagu  dilay Muqdisho.

Khulkhulka dhiiga micna darrada ee ka jira caasimadda ayaa kordhay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay  kuwaas oo inta badan fuliyay si sharci darra askarta Dowladda ee ku sugan goobaha amniga lagu sugo oo  si hubsiimo la’aan ah u toogta shacabka.

Hooyooyin badan ayaa ku waayay dilkan caruurtooda  kuwaas ooo  wali aan helin wax cadaalad ah ,  laakiin Dowladda waxa ay sheegta in arrimahan oo idil ay wax ka qaban doonaan  taas oo lagu tilmaamay in ay tahay afka baarkii.

Weerar hubka culus loo adeegsaday fajacna ku noqday dadka caasimadda ayaa askar ka tirsan Dowladda la beegsadeen dad shacab ah isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho lama oga sababta dhacdadaas.

Dhacdooyinkan iyo kuwo kale oo caasimadda sida joogta ah uga dhacaya waxa ay mahadhooyin ay ku reebeen qoysas badan oo Soomaaliyeed , kuwaas oo quus ka taagan  heerka amniga magaalada Muqdisho oo ka sii daraya.

Ciidanka amaanka gaar ahaan booliiska iyo Nabad sugida  wali ma aysan qaadin talaabooyin looga hortagayo  dilalka kusoo badanaya Muqdisho ee xargaha goystay.

Shacabka magaalada Muqdisho waxa ku sii kordhaya cabsida iyo walaaca ay ka qabaan  dilalka kusoo  kordhay caasimadda , waxa ayna inta badan shacabku wax iska waydiinayaan sida  ay tahay in  Dowladda ay wax kaga qabato amniga oo ah kan kowaad ee ahmiyadda u leh shacabka.

Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.