Muqdisho (Raxanreeb ) Askari ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Bajaajle ku toogtay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Lama sheegin sababta keentay dilka Bajaajlahan , hase ahaatee waxa uu qayb ka yahay dilalka ciidanka dowladda ay ka gaysanayaan magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Saraakiisha Dowladda ee la socday gadiidka ciidanka ee askarta saranayd dilkan gaystay ayaa isaga sii watay socdoolkooda mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen.
Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay.
Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda ku guulaysan la’a wax ka qabashada dilalka loo gaysanayo dadka shacab ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Leave a Reply