DOOD & Shaki ka dhashay weerarada joogtada ah ee ka dhacaya Hiiraan.

DOOD & Shaki ka dhashay weerarada joogtada ah ee ka dhacaya Hiiraan.

Buulaburde (Raxanreeb )  ka dib weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buulaburde kaas oo khasaare badan gaystay ayaa waxaa soo baxaya shaki badan.

Waxa ka horeeyay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Buulaburde mid kale oo isagana ka dhacay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiriaan.

Labaduba waxay gaysteen khasaare lixaad leh oo soo gaaray rayid iyo ciidan ka ag dhawaa halka weeraradan ay ka dhaceen.

Duqa Degmada Buulaburde oo qaraxan ka hadlay ayaa farta ku goday in ay tahay in su’aalo laga waydiiyo qaraxyada Hiiraan ka dhacay Cali Jayte iyo Sufurow .

Waxa uu ku baaqay masuulkaan in la furo buug isla xisaabtan ah si loo helo jawaabaha dadka ay is waydiinayaan ee ah maxaa Hiiraan ka dhigay bartilmaameedka qaraxyada.

Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan qorshaha  ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka

Gobolka Hiiraan ayaa xudun u ah howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.