Yaa ah Muwaadin Soomaaliyeed?

Yaa ah Muwaadin Soomaaliyeed?

ARAR :


Zurich (Raxanreeb ) Waa maqaal aan ujeedkiisa iyo dulucdiisaba kala soo dhexbaxay qabyo-qoraal dheer oo wejiyo-iyo-ujeeddo-badan ah. Waa qoraal isugu jira wacyigelin iyo aqoon-kororsi.


Waxaan maqaalka CASHAR ahaan ugu talagalay shacab-waynaha Soomaalida.
Maqaalka oo ka kooban saddex bog, waxaan si gaar ah ugu talagalay keliya dadka u ehelka ah wax-akhriska ee dulqaadka, kartida iyo aqoonta leh.

Codsi


Waxaan asxaabta waxgaradka ah (Yar & Wayn iyo Rag & Dumarba) ka codsanayaa inay qormada la wadaagaan asxaabtooda iyo asxaabta asxaabtooda, aqoonyahannada, indheergaratada, culumaa’udiinka, siyaasiyiinta iyo madaxda dalka.

Waan soo dhowaynayaa naqdinta, falanqaynta, sixitaanka, wax-ku-darka iyo faallooyinka ASTURAN.


Gogoldhig:


Soomaalidu waa qawmiyad-qarameed (ethnic Nation) ballaaran oo deegaankoodu yahay dhul baaxad weyn oo ku yaal Geeska Afrika.
Waxaynu nahay ummadda ugu horreysa ee ka tirsan Afrikada Madow (Sub Sahara) ee isleh
(Homogenous) oo isku af, diin, dhaqan, isir iyo degaanba ah.
Xataa boqollayda (Percentage-ka – %) aan badnayn ee isirkooda ama asalkoodu ka duwan yahay kan Soomaalida, waxay yihiin ummado qarniyaal ka hor soo degay, la keenay amaba loogu yimid Geeska Afrika oo af ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo hayb-qarameed (i.e. National Identity) ahaanba

SOOMAALIYOOBAY.


Ma jiraan qawmiyada kaloo aan ahayn SOOMAALI oo ku dhex nool ama dhex-degta dalka Soomaaliya.
Waxaa iswaydiin mudan, maxay ku dhacday in qowmiyadda Soomaalidu ay wada deggan tahay afar dal oo geeska Afrika ku wada yaal?


Adduunka badankiis, waxay xudduudyada dalalku muujiyaan Qowmiyado (ethnic), Af (linguist) ama Diin (religious). Tusaale ahaan, xudduudyada dalka Spain, waxaa ku dhex nool dadka Af-Isbaanishka ku hadla ee Yurub. Slovenia iyo Croatia waxaa ku xayndaaban qawmiyadaha kala ah Islovenka iyo Croatiga. Sidoo kale, Thailand waxay muujinaysaa dhulkii qowmiyadda Thai-ga.

Afrika, iyadu waa ka duwan tahay adduunka intiisa kale. Xudduudyada qowmiyaduhu, maahan kuwa ay samaysteen dadka Afrikaanka ahi, ee waa kuwa ay sameeyeen gumaystayaashii reer Yurub.
Shirwaynihii Baarliin (Berlin Conference) ee socday laga bilaabo 15.11.1884 illaa 26.02.1885, ayaa inta khariidada qaaradda Afrika miiska laasoo saaray, halkaas gobol gobol (cad cad) loogu qaybsaday.

Shirwaynahaas Baarliin, waxaa ka dhashay in ummado kala isir, af ama diin ah laysku daray oo hal dal laga dhigay. Kuwo isku isir, af ama diin ahna, lugu kala daray dhawr dal.

Tusaale ahaan, waxaa dhulka qawmiyadda Soomaalida, jeerkaas kala qaybsaday Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Keddibna, intii lugu jiray xilligii gumaysiga, ayaa qayb la siiyay Itoobiya, qaybna Keenya.
Hadda qawmiyadda Soomaalidu, waxay ku kala sugan yihiin dalalka kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Keenya iyo Jabuuti.
Xiddigta cad ee shanta geesood leh, ayaa ah astaan u taagan in dhulkii Soomaalida loo qaybiyay shan qaybood (Italian Somaliland, French Somaliland, British Somaliland, Hawd and reserve Area – Itoobiya iyo the Northern Frontier District (NFD) – Kenya).
Xuduuddada dalalka qaaradda Afrika oo idili waa kuwii uu isticmaarku ku sameeyay shirwaynihii Baarliin.

Haddaba, iyadoo laga baqayo in ay bilawdaan dagaallo-xudduudeedyo, ayaa markii la soo gaaray 1964tii, waxay ururka midawga Afrika (OAU) ay bayaan (Charter) ku soo saareen “in xuduuddadii gumaysiga reer Yurub ay sameeyeen, sidooda loo daayo, si aysan u imaan dagaallo ka dhex dhasha qawmiyadaha Afrikaanka”.


Dalalkii Afrikaanka, badankood way wada saxiixeen bayaankaas. Waxaa diiday oo aan saxiixin Soomaaliya iyo Morocco. Dalalka Ghana iyo Togo, iyagu su’aalo iyo doodo ay ka keeneen xudduudka kala qaybiyay qawmiyadda Ewe, laakiin xudduudkii isma baddalin o sidiisaa loo daayay.


Sida qaalibka ah adduunka laba siyood baa muwaadin lugu noqdaa.”
1- U dhalasho (Jus sanguinis – Latin: right of blood) – tus. Labadaada waarid ama midkood hadduu yahay Soomaali, adna waxaad noqonaysaa soomaali.
2- Ku dhalasho (Jus Soli – Latin: right of soil) – tus. Qofku meesha uu ku dhasho ayuu muwaadin ka noqonayaa.
Labada siyoodba (U-dhalasho & Ku-dhalashaba) waxaan ku nahay “Soomaali”.
Waxaa haddaba, is weydiin mudan, yaa lugu tilmaami karaa amaba noqonaya muwaadin Soomaaliyeed (Somali Citizen)? Ma qof kastoo Soomaali u dhashay (i.e. labadiisa waalid ay Soomaali yihiin), meeshuu doono ha deggenaadee, tusaale ahaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Keenya, mise qofka ku nool dalka JF Soomaaliya keliya, ayaa la oran karaa “Muwaadin Soomaaliyeed”?

Intaanan falanqaynta iyo ka jawaabidda su’aasha kore u gelin, waxaan marka hore, si kooban u xusayaa arrimo ay tahay in Soomaalidu si fiican u fahmaan.


Ka sokow labada arrimood ee kala ah “U-dhalasho” iyo “Ku-dhalasho”, waxaa adduunka casriga ah ka jira in qofi yeelan karo, amaba qaadan karo laba dhalasho (dual Citizenship) iyo/amaba dhawr dhalasho (Multiple Citizenship).
Waddamada adduunku, kulligood ma wada oggola qaadashada laba dhalasho. Kuwooda oggoli, waxay samaysteen shuruuc iyo xeerar ku salaysan danahooda siyaasadeed, dhaqameed, diimeed, haybeed iyo bulshadeedba.

Shuruudaha waddamada reer galbeedka waxaa, tusaale ahaan, ka mid ah:

  • In qofku sanooyin cayiman dalkaas ku sugan yahay (i.e. inuu leeyahay degenaansho daa’in ah – Permanent Residence)
  • Inuu luuqadda dalkaas looga hadlo, si fiican u yaqaan
  • Inuusan dembiyo ka gelin dalkaas
  • Inuu canshuurta dalkaas si joogta ah u bixiyo, ikm

Shuruudaha dalalka carabta, waxaa ka mid ah:

  • In qofku si fiican u yaqaan afka Carabiga
  • In qofku yahay muslin, dhalasho ahaan (by Birth) ama diinta qaatay (by Conversion)

Taas ka sokow, qaadashada laba dhalasho, waxay leedahay faa’idooyin iyo khasaarooyin.

Faa’idooyinka waxaa ka mid ah:

  • Xuquuqyada siyaasadeed (political Rights)
  • Shaqada & safarka (work & travel)
  • Adeegyada bulshada (Social services)
  • Laba Baasaboor (Two passports)
  • Hanti yeelasho (Property ownership)
  • Waxbarasho dhaqameed (Cultural education)

Khasaarooyinka waxaa ka mid ah:
a- Laba jeer canshuurka (Double Taxation) (alyacni waa inuu labada dalba canshuurta bixiyo)
b- Qofka haysta dhalashooyinka laba dal, midkoodna kama qaban karo xilalka ku taxan lambarada C, D, E & F). Waa arrimaha la xiriira sirta, amniga iyo siyaasadda dibedda ee qaran leeyahay.
c- Madaxwayne, ku/xigeen, ra’iisul wasaare, wasiirro, xildhibaanno golaha sharci dejinta
d- Abbaanduulayaasha iyo saraakiisha ciidamada militariga iyo booliska
e- Madaxda & shaqaalaha Sirdoonka qaranka
f- Safiirada

Intaas keddib, haddaan u soo noqdo su’aasha ku xusan cinwaanka maqaalka, Soomaaliya waxay xudduud uu gumaysigii sameeyay la leedahay Soomaali deggan dhul Soomaaliyeed (i.e. Keenya, Itoobiya & Jabuuti).
Dadkaasi waa dad u-dhalasho iyo ku-dhalashaba Soomaali ah.
Waxaa xusid gaar ah mudan, in waagii ay Keenya xorriyadda qaadatay, inay jireen kulammo iyo shirar looga hadlay qadiyadda Soomaalida ku nool NFD- Keenya.
Waxaa waayadaas miiska saarnaa, in Soomaalida ku nool NFD, loo oggolaado laba dhalasho (dual Nationality) iyo/ama la siiyo dhalasho Soomaaliyeed (Somali Nationality).
Labada talo-soo-jeedinba, waxaa berigaas ku gacansayray labadii xisbi ee kala ahaa KADU (Kenya African Democratic Union iyo KANU (Kenya African National Union)

Waxaan haddaba, anigoo ka shidaal qaadanaya, Soomaalinimadayda, garaadkayga iyo aqoontayda kooban, soo jeedinayaa arrimaha soo socda:-
1- In marka ay soo noqoto dawladnimadii & qaranimadii Soomaaliya, uu wada hadal iyo heshiis laba-geesood ah (Bilateral Agreement) dhex maro (Soomaaliya & Itoobiya); (Soomaaliya & Keenya) iyo (Soomaaliya & Jabuuti), si Soomaalida deggan dhulalkaas, loogu oggolaado, loona siiyo laba dhalasho (dual Citizenship). (Waxaa xusid muudan, in Dastuurka dalka Keenya ee 2010 uu oggol yahay qaadashada laba dhalasho (dual citizenship). Laakiin Dastuurka dalka Itoobiya maba oggola laba dhalasho qaadashada oo xataa muwaadinkii Itoobiyaan ah oo qaaata dhalasho kale, wuxuu luminayaa tan Itoobiyaanka, waxaana qofkaas loo sameeyaa aqoonsi gaar ah oo la yiraahdo ID-ga muwaadiniinta ajnabiga ah ee asalkoodu Itoobiyaanka yahay – (Foreign national Ethiopian origin identification card). Sidoo kale, Dastuurka Jabuuti ma oggola qaadashada laba dhalasho. Waana arrin uu ka dambeeyo Faransiisku, oo xataa, sida la og yahay, markay xorriyadda qaadanayeen, shardi looga dhigay inaysan la midoobi karin dalka Soomaaliya).
2- Inay la xuquuq yihiin, Soomaalida kale ee deggan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
3- Haddii Soomaaliga ka soo jeeda saddexdaas meelood uu rabo inuu Jamhuuriyadda Soomaaliya ka qabto xilalka iyo xirfadaha ku xusan C, D, E iyo F, waa inuu ka tanaasulo dhalashada Keenyaatiga, Itoobiyaanka iyo jabuutiyaanka.
4- Mustaqbalka, markii la helo dawlad dalkoo idil ka wada Talisa, in bixinta labada dhalasho (dual Citizenship) loo oggolaado KELIYA kuwa degaan ahaan deggan dhulalka Soomaaliyeed ee ka tirsan Keenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
5- In qaadashada dhalasho Soomaaliyeed (Somali Citizenship) ay shardi u yihiin
A- Aqoonta afka, dhaqanka, hiddaha, taariikhda & juquraafiga Soomaaliyeed
B- Inuu Muslin yahay, amaba uu soo muslimay
6- In qurbajoogta Soomaaliyeed ee wada haysta labada dhalasho, ay waajib ku tahay bixinta labada canshuur (Double Taxation).

Dhammaad.


Zurich, Switzerland

Leave a Reply

Your email address will not be published.