Maxay salka ku haysay in korortada laga damiyo Dhuusmareeb ?

Maxay salka ku haysay in korortada laga damiyo Dhuusmareeb ?

Dhuusmareeb ( Raxanreeb )  Wararka laga helayo magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in xalay korontada laga damiyay magaaladaas.

Dad ku sugan Dhuusmareeb ayaa sheegaya in waddooyin ka mid ah magaaladaas loo diiday isu socodka , halkaas oo uu ku sugan yahay MD Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabsi xoogan ayaa la sheegayaa in xalay ay ka jirtay magaalada Dhuusmareeb waxaan meel kasta taagnaa askar ama kuwa deegaanka oo hubaysan.

Saraakiisha maamulka Galmudug wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin xaalada ka taagnayda magaalada Dhuusmareeb ,xiriir aan la samaynay waa ay ka gaabsadeen in wax hadal ah ay ka bixiyaan.

Maalin ka hor weerar ismiidaamin ah oo lala damacsanaa magaalada Dhuusmareeb ayaa ciidanka ay kaga hortageen duleedka Dhuusmaeeeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.