Minnesota (Raxanreeb Online) Haweenayda u qaabilsan Aqalka Cad dalka mareekanka oo lagu magacaabo Nikole Leavitt oo la hadashay warbaahinta xalay ayaa sheegtay in Dadka mareekanka ay dhacan yihiin oo canshuurtoodi lagu tamashleeynayo oo baabuurta raaxada iyo daaro waa wayn lagu iibsaday meel ka baxsan dalka Mareekanka.
Nikole ayaa sheegtay in dad gaaraya 86 qofood loo xiray arinta musuq maasuqa iyo lacagaha la lunsaday gobolka Minnesota , Waxay sheegtay in 78 qofood dadkaasi ay Soomaali yihiin.
Arinta yaabka leh ayaa ah tirada lacageed ee sheegtay in Soomaalida Minnesota lunsatay taasoo gaaraysa cadadeeda ilaa iyo $1 billion oo dollar . kuma dhihin $1million dollar ee waa $1billion oo dollar ($1,000,000,000)
Nicole Leavitt ayaa sheegtay in lacagtaan looga gol lahaa wax ka qabashada arimaha Guryo la’aanta, Quudinta dadka baahan, iyo sidoo kale arinta Covid 19 ee gudaha gobolka Minnesota ee dalka mareekanka.
Waxay dhabarka Eed iyo dhaleeceen kaga tuurtay xisbiga Democrats ka iyadoo sheegtay in waxan ay dhaceen xiligii xukuumadii Joe Biden.

Leave a Reply