Dowladda iyo mucaaradka oo isku raacay in dib loo dhigo banaanbixii maanta ka dhici lahaa Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Mucaaradka dowladda Soomaaliya, ayaa markale ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen banaanbixii ay maanta ku qaban lahayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga soo horjeedeen burburinta dhulka danta guud ee dowladda Soomaaliya ay maalmihii dambe ka fulineeysay Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dib loo dhigayay banaanbaxa la qorsheeyay inuu maanta uu dhacay, isla markaana madasha samata-bixinta iyo dowladda ay ka heshiyeen.

Dowladda iyo madasha samata-bixinta, ayaa isla meel dhigay in banaanbaxa isla markaana uu ku qabsoomo 10-ka maalmood ee soo socda waxaana dib u dhaca ku keenay sababo la xiriira weerarkii Al-shabaab ay ku qadeen Godka Jilacow ee Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in go’aan kan uu yimid kaddib markii kulan saacado badan qaatay ay yesheen madasha samata-bixinta iyo guddiga dhex-dhexaadinta mucaradka dowladda iyo Taliyeyaasha Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya.

Sikastaba, waa markii labaad ee ay dib u dhigaan mucaaradka banaanbaxa ay ku qaban la hayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga soo horjedaan burburinta dhulka dowladda oo ay daganayeen dad shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.