Dowladda oo si adag uga hadashay iska horimaadkii ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay iska horimaadka khasaaraha dhaliyay ee galabta ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ku dhex maray saldhigga degmada Warta-nabada ee goboka Banaadir.

Dowladda ayaa sheegaty in ay si adag cambaareyneyso falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku eedeeysay xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan Ciidamada Qalabka Sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka. waxay ugu baaqeysaa siyaasiyiintaasi iyo ciddii kale ee khalkhal gelineysa amniga inay ka waantoobaan falalkaasi guracan, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka, ay caddeynayso inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda, iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.