Dowladda Shiinaha oo cadaadis xun saaray Muslimiinta ku nool dalkaasi

Shiinaha ayaa mar kale sanadkan xayiraado aad u adag ku soo rogay soomka muslimiinta Iigoorka ee ku nool Turkistaanka Bari. Maamulka ayaa adeegsanaya habab caburin ah oo lagu joojinayo gudashada waajibka diiniga ah, iyadoo la geeyay ciidamo gaar ah oo waddooyinka wareega si ay u ilaaliyaan dadka si dhuumasho ah u soomaya.

Ciidamadan ayaa habeenkii kormeera guryaha si ay u arkaan haddii ay nalal ka shidan yihiin, iyadoo qof kasta oo nalka u shidan xilli habeen ah loo yeero si su’aalo looga weydiiyo haddii uu u kacay cunista suxuurta.

Xitaa haddii dadku keenaan marmarsiyo ay ka mid yihiin jirro ama isticmaalka suuliga, mas’uuliyiinta ayaa diida jawaabahaas, waxayna ku qasbaan dadka inay biyo cabbaan si ay u caddeeyaan inaysan soomanayn.

Xayiraadda soomka bisha Ramadaan ayaa qayb ka ah siyaasad lagu cadaadinayo muslimiinta, taas oo sii xumaatay sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale arrintan ayaa la sheegay in ay tahay xaalad u baahan in caalamku indhaha ku hayo, maadaama si bareer ah loogu tumanayo xuquuqda iyo xorriyadda diimeed ee dadka laga tirada badan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.