Dowladda Soomaaliya oo sheegtay duqeyn ka dhacday Jilib lagu dilay xubno sare oo katirsan AS

Kismaayo ( Raxanreeb Online) War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgalka culus oo duqeymo ah oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ah xarunta ugu weyn ee maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgalkan oo la sheegay inuu dhacay xalay, ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo waa weyn oo Al-shabaab ku la hayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 15 xubnood oo katirsan Al-shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gadiid ay la hayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku sheegtay howlgalkan mid muujinaya awooda ciidamada soomaalida u lee yihiin ku howlgalidda diyaaradaha fulinaya duqeymaha.

Ugu dambeyn qoraalka wasaaradda  Gaashaandhigga, ayaa lagu bogaadiyay ciidanka xoogga sida geesinimada leh ay makasta u fulinayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.