Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaaday Sacuudiga

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada, iyadoo taageereysa dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Sacuudiga uu laf-dhabar u yahay xasiloonida gobolka iyo xorriyada isu socodka maraakiibta Badda Cas.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in ay taageereyso dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, iyada oo ugu baaqday  in si xakameysan looga hortago sii hurinta xiisadaha.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya waxay ay xustay in ay sii-wadi doontaa la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.