Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay Xeerka Nadaafadda Gobolka Banaadir, kaas oo noqonaya xeerkii ugu horreeyay ee si gaar ah loogu nidaaminayo arrimaha nadaafadda, maaraynta qashinka iyo ilaalinta deegaanka ee caasimadda Muqdisho.
Guddoomiye Muungaab, ayaa sheegay in xeerkan uu saldhig u noqon doono dadaallada lagu xoojinayo nadaafadda caasimadda, korna loogu qaadayo bilicda iyo caafimaadka bulshada, isagoo ugu baaqay shacabka iyo hay’adaha kala duwan inay ka wada shaqeeyaan dhaqangelinta iyo ku-dhaqanka qodobbada xeerkan.
Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in xeerkaan uu waxbadan ka qabanayo ilaalinta deegaanka, asigoona xusay in wasaaradda deegaanka ay si dhaw ula shaqeyn doonto Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabadda saxiixa xeerkan waxaa goob-joog ka ahaa; Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal, mas’uuliyiin ka socday hay’addaha garsoorka, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’uddiin, Bulshada Rayidka, Haweenka, mas’uuliyiinta shirkadda IFI iyo daneeyeyaal ka socday arrimaha deegaanka.

Leave a Reply