Duqeynta Qaza iyo Warar goos-goos ah.

Duqeynta Qaza iyo Warar goos-goos ah.

Gaza (Raxanreeb ) Xalay oo dhan waxaa socotey duqeynta lagu hayo magaalada Qaza, waxa ayna dhimashada Falastiiniyiintu hadda mareysaa sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku 9922 qof oo rayid ah. Dhimashada Yahuudana waxa ay mareysaa ka badan 1400 oo ciidan u badan.

Dhimashadii ugu badneyd ee soo gaarta saraakiisha Qaramada midoobey ayaa ka dhacday Marinka Qaza waxaana duqeynta Yahuuddu ka wado Qaza ku geeriyoodey 88 qof oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Duqeynta Yahuudda ayaa dhinaca kale waxa ay Daanta Galbeed oo fadhi u ah dowladda Fakastiin ku dishey 150 qof.

Mr. Blinken oo Shalay gelinkii dambe kula kulmay Maxamuud Cabas magaalada Ramala ayaa gaarey Turkiga. Turkiga waxa ay hore u canbaareeyeen xukuumadda Yahuudda iyo gadaalka ay ka wado Qaza, waxa ayna masuuliyadda dagaalka dusha ka saareen PM Natanyahu.

Xukuumadda Yahuudda ayaa sheegtay in Agaasimaha CIA-da Mareykanku soo gaarey Tel-Aviv si ay uga arinsadaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas.

Waxa weli Qaza ka go’an korontada, biyaha, Internet-ka, Telfoonka, waxaana ciriiri ah daawada, shidaalka iyo cunada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.