Gaarisa ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Harboole ee ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya, ayaa ku waramaya in Biriq ku dhacday deegaankaasi, ay dishay labo ruux oo mid kamid ah uu yahay Nin oday ah.
Xiliga biriqda dhaceysay ayaa waxaa da’ayay roob goos goos, labada ruux ee geeriyooday, ayaa la sheegay in biriqda ay ku dhacday xiliga ay ku sugnayeen banaanka hore ee gurigooda.
Weli maamulka Gaarisa ma uusan soo gudbin magacyada labada qof ee Biriqda dishay, balse waxaa la tilmaamay in weli ay socoto uruurinta xogta.
Deegaanada Ismaamulka Gaarisa, waxaa muddooyinkii dambe ka jiray abaar darran oo saameeyn ku reebtay dadka iyo duunyada, iyada oo hadda lasoo warinaya in qeyb ah deegaanada uu ka da’ayo roob goos goos ah.

Leave a Reply