Faahfaahinta ka soo baxaysa qaabkii loo qabtay Nicolás Maduro

Caracos ( Raxanreeb Online) Mas’uuliyiin ayaa u sheegay, warbaahinta CBS News, ee ay bahwadaagta yihiin BBC in Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay qabteen ciidanka Mareykanka ee Delta Force.

Delta Force waa qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.

Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Nicolás Maduro inuu hoggaaminayo shabakad caalami ah oo ka ganacsata daroogada, arrintaas oo uu Maduro si adag u beeniyay.

Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo qabtay Maduro ama meesha loo qaaday.

Dowladda Venezuela weli ma aysan xaqiijin arrintan. Mareykanka ayaa horay u ballanqaaday abaalmarin dhan $50 milyan cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada Maduro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.