Farmaajo oo markale ka hadlay xaalada abaarta ee ka jirta Soomaaoliya

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa soo saaray bayaan uu kaga hadlayo xaalada bani’aadannimo ee ka dhalatay abaaraha dalka ka jira, taasi oo saameysay 5 mliyan oo qof.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dadkaasi aysan helin gargaarkii ay u baahnayeen, isla markaana xaaladooda ay soo jiitameysay labaddii sanno ee lasoo dhaafay.

“Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah” ayuu yiri madaxweynihii hore Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay meel kasta oo ay joogaan, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed uu ku adkeynayo in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed

Waxa uuna sheegay in Beesha Caalamka uu ka rajeeynayo in ay dardar geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.