Fartoon oo  noqday Guddoomiyaha Wakiiland Somaliland – WAA KUMA Fartoon ?

Fartoon oo  noqday Guddoomiyaha Wakiiland Somaliland – WAA KUMA Fartoon ?

Hargaysa (Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah waxa magaalada Hargaysa ee Somaliland ka dhacday doorashada Golaha  Wakiilada  Somaliland kaas oo ay ku tartamayeen  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon)   & Maxamed Khadar Daahir.

Loolanka doorasho waxaa ka tansuulay Cali Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ayaa ah labad shaqsi ee haatan ugu cadcad loolanka doorashada.

Doorashadan oo muddo kooban socotay waxaa ku guulaystay oo  Golaha Wakiilada codka ay siiyeen Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, kaas oo laylin doona Wakiilada Somaliland

HADABA waa kuma Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada ee maanta la doortay :

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.

Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester.

Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Somaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland.

Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada.

Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.

Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.

Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.

Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.