Heshiis horu-dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleedyadii ka dhacay Cadale iyo Raage Ceele

Heshiis horu-dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleedyadii ka dhacay Cadale iyo Raage Ceele

Muqdisho (Raxanreeb) — Xubnaha ku jira xal u helidda colaadda ka aloosan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in heshiis horu-dhac ah laga gaaray, dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee todobaadkii hore ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya wadahadallada qabaa’ilka dhexmaraya ayaa sheegay in labada beelood ay ku heshiiyeen in xabadda la joojiyo isla markaana ciidamada la kala qaado.

Afar goobood ayaa loo cayimay in la kala geeyo miliishiyooyinka qabaa’ilka ee dagaalamay kuwaas oo kala ah Boos Muluq, Gayfo, Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo dhammaantood hoos yimaada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.

Colaadda u dhaxaysa beellaha deegaankan ku dagaalamaya ayaa soo jiitaymaysay muddo ka badan sanad, waxana lagu dilay dad aad u badan oo tiradooda si saxa aan loo diiwangalin, iyadoo tuulooyin badan lagu gubay.