Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa magaalada Muqdisho si tartiib tariib ah uga bilowday kulamo hoosaadyo la xiriira khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland.
Wada- hadalkan oo si hoose u socdaan ayaa waxay u dhaxeeyaan xubno ka mid ah Dowladda oo ka wakiil ah Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaarayaashii hore ee dalka soo maray Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali Gaas.
Labadan masuul waxay ka mid yihiin siyaasiin madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumaday Muqdisho si ay fakarkooda ugu biiriyaan hanaanka Geedi socodka dalka mustaqbalka.
Sarkaal u hadlay Madaxtooyada ayaa sheegay in ay bilowdeen wada-hadalo hoose oo loogu gol leeyahay dhamaynta khilaafka iyo tabashada ay qabaan masuuliyiinta Puntland oo uu ka mid yahay Saciid Deni.
Maamul gobooleedka Puntland ayaa maqnayd miisaska go’aanka ee ay ka qayb ahaayeen dhamaan maamul goboleedyada taas oo sabab u ahayn khilaafka soo jiray tan iyo doorashadii uu ku guulaystay MD Xasan Sheekh Maxamuud.
Puntland oo horay usoo eedeysay Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taas oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe.
Leave a Reply