Ku dhowaad 10 oo ku dhintay dibadbaxyo a dhacay Kemya

Ku dhowaad 10 oo ku dhintay dibadbaxyo a dhacay Kemya

Nairobi (Raxanreeb) — Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay halka ay dhaawacmayn boqolaal kale, kaddib dibadbaxyo rabshado wata oo maalnimadii shalay ahayd ka dhacay Magaalada Nairobi oo ah Caasimadda dalka Kenya.

Khasaarahan ayaa yimid kaddib markii dibadbaxyadu ay isku bedeleen kuwo rabshado wata, waxaana boob loo geystay goobo ganacsi oo kala duwan, oo ka mid ah Suuqa Soomaalida ee ku yaal Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Dadka ku dhintay dibadbax ayaa qaar ka mid ah waxaa toogtay Ciidamada Booliska ee dalkaas kuwaas oo xabado ku kala eryay dibadbaxyada, oo markii dambe isku badalay rabshado, halka dibadbaxyada ay qaar ka mid ah dadka shacabka ah ay dileen taas oo keentay in dhimashada ay gaarto wadarta 10 ruux.

Sidoo kale dibabaxyaasha ayaa dhac iyo boob u geystay dadka shacabka iyo kuwa ku ganacsada Suuqyada Magaalada Nairobi, iyada oo dadka waddooyinka maraya ay dibadxyaashu ka qaateen taleefanadooda gacanta, waxa ayna dhaawac u geesteen laba ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadii shalay ayaa cambaareeyay dibadbaxyaasha ka dhacay dalkaas, isaga oo wacad ku maray in dowladdiisa ay soo xirir doonto qaban qaabiyaasha iyo dadka ku bixiyay dhaqaalaha, isaga oo arrintaan ku eedeeyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Madaxweyne Ruto ayaa bishii tagtay saxiixay sharci canshuurta lagu kordhinayo, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dakhli dheeri ah oo gaaraya $2.1 bilyan soo gelin doono dowladda. Dowladda ayaa sheegtay in canshuurta cusub ay caawin doonto in la abuuro shaqooyin cusub, islamarkaana la yareeyo deynta ay qaadato dowladda.